Waxaad u baahan tahay inaad fahanto hal arrin oo aasaasi ah ka hor inta aynaan sii socon.
Dhaawaca hooyada (Mother Wound) ma aha oo keliya nabar nafsiyeed oo aad carruurnimada ka soo qaadatay. Mana aha oo keliya raad ka dhashay xiriir adag oo aad la lahayd hooyadii ku dhashay.
Wax ka qoto dheer ayuu yahay.
Waa sheeko bilaabatay ka hor intaadan adigu hadlin. Ka hor intaadan fahmin cidda aad tahay. Ka hor intaadan xitaa yeelan eray aad ku magacaabto waxa aad dareemayso.
Waxay leedahay xididdo ku fidsan kuna qotoma astaamaha asaasiga ah ee dadka ka dhexeeya (archetype-ka), miyir-la’aanta nafsadda, iyo taariikhda jiilal badan oo aadanuhu soo maray.
Marka aan ka hadlayno dhaawaca hooyada, sidaas darteed, kama hadlayno hal qof oo keliya.
Waxaan ka hadlaynaa silsilad.
Silsilad dhaawac ah oo jiilba jiil u gudbaysay; dhaqammo badan dhex martay; hooyo ilaa hooyo, ilmo ilaa ilmo, iyada oo mararka qaar aan cidina si buuxda u ogaan waxa ay siddo. Waxay taabanaysaa waxa loo yaqaan nafsadda wadajirka ah (collective psyche).
Haddana, arrinta ugu yaabka badan ayaa ah tan:
Dhaawac isku mid ah qof walba isku si uguma muuqdo.
Qof wuxuu ku dareemaa cabsi laga qabo in la dayaco. Mid kale wuxuu ku dareemaa baahi aan dhammaanayn oo uu ku doonayo in la jeclaado. Qof kale wuxuu ku dareemaa inuu mar walba dadka ka farxiyo. Mid kalena wuxuu noqdaa qof aan cidna u oggolaan inay si dhab ah ugu soo dhowaato.
Dusha sare way kala duwan yihiin.
Laakiin gudaha, mararka qaar, waxaa ku qarsoon isla su’aashii hore:
“Haddii aan noqdo qofka aan dhab ahaan ahay, weli ma la i jeclaan doonaa?”
Su’aashaas badanaa laysma weydiiyo iyadoo cod dheer lagu hadlayo.
Waxay ku dhalataa aamusnaan.
Waa aamusnaantii ugu horreysay ee aad baratay inaad gudaha ku liqdo.
Waa meesha aad markii ugu horreysay ka baratay in jacaylku yahay wax la kasbado, in dabacsanaantu ay tahay wax la xakameeyo, iyo in naftaada dhabta ahi mararka qaar u baahan tahay in la qariyo si aad u badbaaddo.
Ilmuhu ma haysto awood uu ku yiraahdo:
“Deegaankani ma aha mid ii oggolaanaya inaan si dabiici ah u ahaado.”
Wuxuu haystaa hal baahi oo ka weyn wax kasta oo kale:
badbaado.
Sidaas darteed, wuxuu bilaabaa inuu noqdo waxa deegaanka ka ag dhowi uu ka doonayo inuu noqdo.
Codkiisa ayuu hoos u dhigaa. Dareenkiisa wuu qariyaa. Baahidiisa ayuu yareeyaa.
Wuxuu bartaa inuu dadka kale dareemo ka hor inta uusan isagu dareemin naftiisa. Wuxuu bartaa inuu akhriyo wajiyada, codadka, aamusnaanta, iyo isbeddellada niyadeed ee dadka kale xitaa marka aan isaga waxba laga rabin.
Wuxuu noqdaa mid feejigan. Mid si joogto ah u dhageysta waxyaabaha aan la sheegin.
Sababtoo ah mararka qaar, ilmaha yar, waxyaabaha aan la sheegin ayaa ka qaylo dheer erayada.
Dhaawacu mararka qaar kama bilaabmo dhacdo weyn oo la xasuusan karo.
Wuxuu ka bilaabmi karaa daqiiqad aad u yar.
Ilmuhu wuxuu dareemayaa murugo, cabsi, farxad, xanaaq ama baahi uu doonayo in uu qof weyni arko.
Laakiin hooyadu ma awooddo inay milicsato (mirror) ama si sax ah u aragto oo uga jawaabto waxa gudaha ilmaha ka dhacaya. Ma awooddo inay qabato dareenkaas, magac u bixiso, dejiso, oo ilmaha ugu sheegto:
“Waan ku arkayaa. Waan ku fahmayaa. Waxa aad dareemaysaa waa sax.”
Taas macnaheedu ma aha inay tahay hooyo naxariis daran. Waxaa laga yaabaa inay iyaduba tahay qof aan waligeed helin qof si dhab ah u fahma, u arka, una daryeela dareenkeeda.
Waxaa laga yaabaa inay iyaduna ka timid hooyo aan awoodin inay aragto ama fahanto waxa gudaha ilmaheeda ka jira. Waxaa laga yaabaa inay sidatay xanuun aysan weligeed helin fursad ay ku bogsiiso.
Sidaas ayay silsiladdu u sii socotaa.
Qof dhaawacan ayaa korinaya ilmo, ilmo haasina wuxuu bartaa inuu la qabsado dhaawaca qofkii korinayay.
Sidaas darteed:
Dhaawaca hooyadu ma aha eedayn.Ee waa dhaxal.
Waa gudbinta miyir-la’aanta ah ee wixii aan weligood bogsan. Jiilba jiil ayuu u gudbiyaa sida riyo mar kasta soo noqnoqota, sababtoo ah weli ma jiro qof gudaha riyadaas ka baraarugay.
Laakiin riyo kasta waxay leedahay meel ay ku joogsato. Waxaa laga yaabaa in adigu tahay meeshaas.
Waxaa laga yaabaa in xiisadda aad gudahaaga ka dareemayso aysan ahayn burbur. Waxaa laga yaabaa inay tahay baraarug.
Wax gudahaaga ahi wuxuu doonayaa inuu dib u soo laabto. Wax aad muddo dheer ku aastay ayaa mar kale albaabka garaacaya.
Taasi waa sababta aad mararka qaar ugu dareemi karto gudahaaga murugo aanad si fudud u sharxi karin. Taasi waa sababta aad u dareemi karto rabitaan ah inaad fahanto taariikhdaadii hore ma aha oo keliya adigoo raadinaya cid aad eeddayso, balse adigoo dareemaya masuuliyad qoto dheer oo ah inaad fahanto waxa laguu soo gudbiyey.
Nafsaddaadu waxay kuu diyaarinaysaa kulan. Ma aha kulan aad la yeelanayso hooyadaa oo keliya. Waa kulan aad la yeelanayso qayb kaa mid ah oo muddo dheer kaa maqneyd.
Qayb laga yaabo inaan weligeed loo oggolaan inay si buuxda u jirto.
Ka fikir ilmaha aad ahaan jirtay. Kahor intaadan baran sida dadka loo qanciyo. Kahor intaadan baran inaad hadalkaaga cabbirto. Kahor intaadan baran waxa dadka kale kaa filayaan. Kahor intaadan baran inaad tiraahdo “waan fiicanahay” xitaa marka aadan fiicnayn.
Waxaa jiray adiga oo kale. Adiga oo si dabiici ah u dareemayay. Adiga oo wax kasta si qoto dheer u arkayay. Adiga oo su’aalo badan qabay. Adiga oo madax-bannaanida jeclaa. Adiga oo doonayay inuu ciyaaro, sahamiyo, hadlo, ooyo, qoslo, xanaaqo, wax barto, oo dunida u arko meel bannaan oo uu ku noqon karo qofka uu yahay.
Laakiin haddii muujinta qaybahaas ay khatar gelinaysay xiriirka ama dheelitirka deegaankaaga, ilmuhu wuxuu sameeyaa waxa ugu macquulsan ee uu yaqaan:
wuu is yareeyaa.
Qayb ka mid ah naftiisa ayuu qariyaa. Qayb kale ayuu mastaafuriyaa. Qayb kale wuxuu baraa inay aamusto.
Ma aha sababtoo ah qaybahaasi way xumaayeen. Laakiin sababtoo ah waqtigaas, in la noqdo qofkaas oo dhan waxay u muuqatay mid aan ammaan ahayn.
Sidaas ayay qaybo ka mid ah naftaadu ugu dhacaan waxa loo yaqaan Hooska/Hadhka nafsiga ah (Shadow).
Hadhkaasi wuxuu qaadaa wax kasta oo aad mar u malaysay inaan la rabin: xasaasiyaddaada, shucuurtaada, madax-bannaanidaada, rabitaankaaga, awooddaada, dareen-dheeraantaada, su’aalahaaga, rabitaankaaga waxbarasho iyo ogaansho, xitaa iftiinkaaga.
Wax kasta oo aad baratay inaad qariso si aad xiriirka u ilaaliso.
Halkaas ayay ka dhalataa is-diiddooyinka weyn ee ilmaha:
“Si aan layga tegin, waa inaan naftayda ka tagaa.”
Waxaad naftaada ka tagtaa si aadan hooyada u lumin. Waxaad aamustaa si xiriirku u sii jiro. Waxaad yareysaa baahidaada si qofka kale uusan kuu arkin culays. Waxaad baratay inaad dadka kale fahanto, halka adiga aan lagu fahmin.
Oo si tartiib ah, waxaad u samaysataa shakhsiyad awood u leh inay shaqayso, wax qabato, dadka la qabsato, oo nolosha sii waddata.
Laakiin waxaa jira farqi weyn oo u dhexeeya shaqayn iyo koboc.
Waxaad noqon kartaa qof nolosha si fiican u maareeya, haddana gudaha ka dareemaya in wax kaa maqan yihiin. Waxaad noqon kartaa qof xooggan, haddana aan si fudud u nasan karin. Waxaad noqon kartaa qof dadka si qoto dheer u fahma, haddana aan garanayn waxa uu isagu dhab ahaan u baahan yahay. Waxaad noqon kartaa qof jacayl badan bixiya, laakiin marka jacayl laguu soo celiyo aad dareento cabsi.
Sababtoo ah qaybta yar ee gudahaaga ku jirta weli waxay xasuusataa xeerkii hore: “Si aad u ilaaliso xiriirka, naftaada waa inaad ka tagtaa.”
Taasi waa sababta marka dhaawaca hooyadu bilaabo inuu dusha uga soo baxo nolosha qaangaarka, aad mararka qaar u dareemi karto murugo iyo baraarug isku mar.
Waxaad u murugoonaysaa qaybihii naftaada ee aan cidina arag. Laakiin isla waqtigaas, waxaad bilaabaysaa inaad dareento awooddii ku qarsoonayd gudahaaga. Waxaad dareemaysaa wax doonaya inay soo laabtaan. Wax qadiimi ah. Wax qoto dheer. Wax muqaddas ah. Wax aan weligood dhab ahaan jabin.
Waxaad bilaabaysaa inaad fahanto in qaybihii aad sannado badan u malaynaysay inay yihiin “dhibaato” laga yaabo inay ahaayeen qaybo ka mid ah naftaadii dabiiciga ahayd ee sugaysay in mar kale la arko.
Waxaa laga yaabaa in xasaasiyaddaadu aysan ahayn daciifnimo. Waxaa laga yaabaa in baahidaada runta ahi aysan ahayn culays. Waxaa laga yaabaa in rabitaankaaga madax-bannaanidu aanu ahayn caasinimo. Waxaa laga yaabaa in su’aalahaaga badan aysan ahayn dhib. Waxaa laga yaabaa in iftiinkaaga aan loo baahnayn in la damiyo.
Waxaa laga yaabaa inay yihiin qaybo ka mid ah adiga dhabta ah.
Bogsiintu, sidaas darteed, ma aha oo keliya inaad hooyadaa fahanto. Ma aha oo keliya inaad fahanto wixii dhacay. Mana aha inaad ku qasabto naftaada inaad cafiso qof aan weli diyaar u ahayn inuu fahmo wixii uu sameeyey.
Bogsiintu waxay ka bilaabataa meel ka sii qoto dheer:
inaad dib ula xiriirto naftaadii aad mar hore ka goysay.
Waa inaad bilowdo inaad maqasho codkii aad hoos u dhigtay. Waa inaad bilowdo inaad aqbasho dareennadii aad mar hore baratay inaad qarisid. Waa inaad barato inaad naftaada siiso waxa aad markii hore ka sugaysay dadka kale.
Halkaas ayay ilmahaaga gudaha (inner child) iyo naftaada qaangaarka ahi mar kale ku kulmaan.
Ilmihii yaraa wuxuu leeyahay baahiyo, cabsi iyo xusuuso. Qofka qaangaarka ahi wuxuu leeyahay awood uu ku ilaaliyo.
Markay labadoodu kulmaan, xiriirkii kala go’ay wuxuu bilaabaa inuu soo noqdo. Markaas waxaad si tartiib ah uga guuraysaa nolol ku dhisan falcelin iyo la-qabsasho, una guuraysaa nolol ku dhisan run, doorasho iyo dareen gudaha ah.
Ka fikir: Ka hor intaadan baran luqadda, hooyadu waxay ahayd cod. Ka hor intaadan fahmin waqtiga, waxay ahayd joogitaan. Ka hor intaadan samaysan fikrad ku saabsan naftaada, iyadu waxay ahayd deegaankaaga. Koonkaaga. Wax kasta oo jiray.
Sidaay kuu eegto ayaa qaabaysay fahamkaaga ku saabsan waxa ay tay in la arko. Sida ay uga falceliso oohintaada ayaa qaabaysay fahamkaaga ku saabsan waxa ay tahay in la muujiyo. Joogitaankeeda ama maqnaanshaheeda shucuureed ayaa qaabeeyey filashadaada ku saabsan xiriirka.
Sidaas darteed, marka saldhiggaas hore aanu degganayn, nafsaddu waxay marka hore barataa is-difaacidda iyo is-ilaalinta, ka hor inta aysan baran inay si xor ah u noolaato.
Waxay dhistaa wajiyaal (masks). Waxay samaysaa la-qabsiyo (adaptations), Waxay samaysaa shakhsiyad awood u leh inay nolosha la tacaasho laakiin mararka qaar aan weli helin fursaddii ay si buuxda ugu kobci lahayd.
Haddaba haddii aad maanta dareento wax gudahaaga ka kadhacaya, ha degdegin inaad u bixiso magaca “burbur.”
Waxaa laga yaabaa inuusan ahayn burbur. Waxaa laga yaabaa inuu yahay qayb kaa mid ah oo soo garaacaysa albaabkii aad sannado badan xirnaa. Waxaa laga yaabaa inuu yahay codkii aad baratay inaad aamusiiso. Waxaa laga yaabaa inuu yahay ilmihii aad mar hore ka tagtay si aad xiriir u ilaaliso.
Waxaa laga yaabaa in huunyahay naftaada dhabta ah (authentic self). Naftaadii dabiiciga ahayd. Naftaadii wax si qoto dheer u dareemi jirtay. Naftaadii su’aalaha lahayd. Naftaadii rabtay inay ogaato. Naftaadii rabtay inay noqoto.
Waxay weligeed meeshaas ku sugnayd. Ma ahayn mid daciif ah. Ma ahayn mid aan dhammaystirnayn. Mana ahayn mid jabtay.
Waxay ahayd qayb kaa mid ah oo sugaysay in mar kale loo oggolaado inay noolaato.
Waxaa laga yaabaa in bogsiintu aysan ahayn inaad noqoto qof cusub. Waxaa laga yaabaa inay tahay inaad ugu dambayn guriga ku soo celiso qofkii aad ahayd ka hor intaadan baran inaad naftaada ka tagto.